Facebook

Advertisement

Muqdisho (Dalkaan.com) – Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo weerarkii tooska ahaa siddeeda saacadood ee qaatay ee lagu qaaday hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac intaba.

Sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya waxaa weerarkan ku dhintay ugu yaraan illaa 9 qof oo ay ka mid yihiin General Maxamed Nuur Galaal oo ku jiray hoteelka iyo nin lagu magacaabi jiray Cabdullahi Nuure Siyaad oo ay walaalo ahaayeen siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal), waxaa sidoo kale ku dhintay askar iyo dad kale shacab ahaa.

Dadka rayidka ah ee ku dhintay weerarka ay Al-Shabaab ku qaadeen Afrik waxaa ka mid ahaa lamaane todobo-bax u joogay hotelka, xilliga uu dhacayey weerarka.

Lamaanahan oo u hoyday gurigooda rasmiga ah ayaa waxaa magacyadooda lagu soo koobay Fahad iyo Farxiyo, waxaana maanta lagu aasay labaduba Qabuuro ku yaalla deegaanka Jaziira ee dhaca duleedka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qaar ka mid ah ehellada marxuumiinta oo goobta aaska kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Fahad iyo Farxiyo oo mardhow wada-aqal galay ay todobo-bax u joogeen hotelka Afrik, balse nasiib darro ay ka mid noqdeen dadkii lagu dilay weerarka hoteelka

Dhacdadan oo xanuun badan ku reebtay ehellada lamaanaha geeriyooday ayaa si aad ah looga hadal hayaa magaalada Mudisho iyo sidoo kale baraha bulshada ee Internet-ka.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here