Labo kooxood oo Premier League ah ayaa lagu soo waramayaa in ay Ousmane Dembele u soo bandhigeen ‘mushahar weyn’ si uu beeca xorta ah uga tago Barcelona sanadka soo socda.

Qandaraaska xiddiga heerka caalami ee dalka France ee Camp Nou ayaa ku eg June 2022, kooxo dhowr ah ayaa loo aqoonsaday inay xiiseynayaan, oo ay ku jiraan Manchester United , Liverpool iyo Chelsea .

Sida laga soo xigtay saxafiga reer Talyaani ee Fabrizio Romano , Dembele ayaa laba kooxood oo Ingiriis ah u soo bandhigay xidhmo mushahar ah oo aad u badan, Barcelona ayaana hadda halis ugu jirta inay ku waydo weeraryahankeeda beeca xorta ah.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Romano ayaa ku andacoonaya in ku guulaysta koobka aduunka uu qorsheeyay inuu sii joogo Barcelona, ​​balse uusan diyaar u ahayn inuu ka tanaasulo mushaarkiisa, taasoo aan ku haboonayn qorshaha kooxda reer Catalan iyadoo ay jirto arimo dhaqaale.

Dembele ayaa la sheegay in mar hore loo sheegay inaan la siin doonin xirmada mushaar bixinta ee uu doonayo, xaaladuna hadda waa mid aad u adag.

24-sano jirkaan ayaa kaliya u saftay sideed kulan heer kooxeed xilli ciyaareedka 2021-22 dhaawac dartiis, halka uu sidoo kale dhawaan laga helay cudurka ‘coronavirus’.

Wadar ahaan, xiddiga reer France ayaa u ciyaaray Barcelona 126 kulan tan iyo markii uu kaga soo biiray Borussia Dortmund bishii Ogosto 2017, isagoo ka qeyb qaatay 30 gool iyo 23 caawin.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan