Laba kulan oo Premier League Boxing Day ayaa dib loo dhigay sababo la xiriira natiijada kiisaska Covid-19 ee Leeds iyo Watford.

Leeds safarkii ay Liverpool ku wajihi lahayd Anfield iyo ciyaartii Watford ee martida ahayd ee Wolves waa la joojiyay.

kooxahan ayaa loo eegay inay Corona kaga maqanyihiin 11 Xidig ka badan ama inaysan buuxin karin Sharuudaha ka ciyaarista marka la eego kiisaska Corona ee ku soo kordhay

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

War qoraal ah oo ay Leeds soo saartay ayay ku tidhi: “Waan ka xunahay in aan xaqiijino in kulanka Boxing Day-ga ee Liverpool dib loo dhigay ka dib shan kiis oo cusub oo COVID ah oo ka dhex jira kooxda koowaad iyo shaqaalaha.

Kiisaska oo ay weheliyaan arrimaha dhaawaca ayaa la macno tahay in aanan haysan ciyaartoy ku filan oo la aqoonsan yahay kooxda koowaad si ay u buuxiyaan shuruudaha Premier League ee kulanka.”

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan