Akshay Kumar ayaa haatan duubis ku wado filimkiisa weyn ee Bachchan Pandey, asigoona duubistiisa ka socoto magaalada Jaisalmer ee gobolka Rajasthan, waxaana lagu dhawaaqay kaabalaadarka filimka ee la filan karo in AK shaashada kula loolamo.

Akshay oo filimkaan lasoo bixi doono waji cusub kaasoo uusan horay ula soo bixin ayaana waxaa filimkiisa laadar looga dhigay jilaaga Abhimanyu Singh, waana jilaa wax ka jilo filimada koonfurta iyo Bollywoodkaba.

Advertisement

Abhimanyu Singh ayaa horay uga soo muuqday filimo waaweyn oo ay kamid yihiin Goliyon Ki Rasleela Ram Lelea, Rakta Charitra, Lakshya iyo Mom, sidoo kalana Akshay waxay isla jileen filimada kala ah Once Upon Ay Time In Mumbai, Dobaara iyo Sooryavanshi oo aanan wali tiyaatarka la saarin.

Filimka Bachchan Pandey ayaa waxaa Directed ka ah Farhad Samji, halka produced uu ka yahay Sajid Nadiadwala, waxaana Akshay ku wehliyo Jacqueline Fernandez, Kriti Sanon, iyo Arshad Warsi, qorshaha ayaana ah in filimkaan tiyaatarka la saaro 26da bisha January sanadka 2022ka.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here