Facebook

Advertisement

Tigre (Dalkaan.com) – Xiddigii hore ee xulka kubada cagta Argentina Diego Armando Maradona ayaa goordhow geeriyooday kadib markii uu asiibay wadno xanuun, isaga oo ku sugan gurigiisa oo ku yaalla deegaanka Tigre ee magaalada Buenos Aires ee dalka Argentina.

Maradona ayaa waxa uu kasoo kabanayey qalliin dhowaan looga sameeyey maskaxda, ayada oo isbitaalka laga soo saaray 11-kii November, sida ay werisay warbaahinta dalka Argentina. Waxa uu ahaa 60 jir.

Waxyar ka hor inta aan lagu dhowaaqin dhimashiisa, ayaa warbaahinta Argentina waxay saaka werisay in Maradona ay asiibtay xaalad halis ah, ayada oo dhaqaatiirta loogu yeeray gurigiisa oo ku yaalla waqooyiga magaalada Buenos Aires.

Madaxweynaha Argentina Alberto Fernandez ayaa durba ku dhowaaqay saddex maalmood oo baroordiiq qaran ah, oo loo sameynayo Maradona.

Maradona oo ahaa mid ka mid ah xidighii ugu wanaagsanaa ee soo mara kubadda cagta caalamka, ayaa dalkiisa kula guuleystay koobkii adduunka ee 1986-kii.

Maradona ayaa usoo cayaarayey kooxaha Napoli iyo Barcelona ee dalalka Italy iyo Spain, kuwaasi oo uu kula guuleystay koobab.

Naga filo faah-faahin dhowaan, Insha Allah.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here