Kylian Mbappe ayaa loo magacaabay ciyaaryahanka sannadka ee abaalmarinta Globe Soccer Awards ee Dubai.

Xiddiga reer France ayaa abaalmarinta ku garaacay xiddiga ay xafiiltamaan ee Robert Lewandowski kadib markii uu u soo ciyaaray kooxaha PSG iyo France.

Intaa ka dib, Mbappe ayaa la waydiiyay inuu saadaaliyo xilli ciyaareedka soo socda – iyadoo PSG ay wajihi doonto Real Madrid tartanka Champions League.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Waxa uu u sheegay Sky Sport: “Waxa kaliya ee aan arki karo ama aan saadaalin karo Real Madrid-PSG waa Paris Saint-Germain in ay guuleysato.

“Waxay noqon doontaa kulan adag, laakiin waxaan doonayaa inaan ku guuleysto labada Champions League iyo Koobka Adduunka 2022.”

Lewandowski ayaa ku guuleestay abaal-marin kale Waxa uu ahaa qofka helay abaalmarinta Maradona ee gooldhaliyaha ugu fiican.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan