Weeraryahanka Paris Saint-Germain Kylian Mbappe ayaa xaqiijiyay inuusan ku biiri doonin Real Madrid suuqa kala iibsiga ee Janaayo.

23-sano jirkaan ayaa qarka u saaran inuu galo lixdii bilood ee ugu dambeysay qandaraaskiisa Les Parisiens, kaasoo laga hakiyay dalab uu ugu biiro lahaa Real Madrid.

Natiijo ahaan, Mbappe ayaa loo saadaaliyay inuu qiimo dhimis ama si xor ah ugu biirayo Bernabeu 2022, laakiin weeraryahanka ayaa xaqiijiyay inuu sii joogi doono jiilaalka.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Isagoo la hadlayay CNN , xiddigii hore ee Monaco ayaa yiri: “Maya, kuma biirayo Real Madrid bisha Janaayo, ma dhacayso.

“Waxaan joogaa Paris Saint-Germain, runtii aad ayaan u faraxsanahay, 100% waxaan ku dhameysan doonaa xilli ciyaareedka anigoo ah ciyaaryahan PSG ah, waxaan wax walba siin doonaa si aan ugu guuleysto Paris dhamaan koobabka sanadkan”.

Mbappe ayaa 15 gool dhaliyay 17 kalena caawiye ka noqday 24 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, iyadoo PSG ay ku soo laaban doonto garoomada isniinta kulanka Vannes OC ee Coupe de France.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan