Kulankii North London derby ee Arsenal iyo Tottenham Hotspur ee horyaalka Premier League ayaa dib loo dhigay.

Gunners ayaa kaliya hal kiis oo coronavirus ah la xaqiijiyay oo ah Martin Odegaard laakiin waxa ay la tacaalayaan dad badan oo ka maqnaa dhaawacyo, ganaax iyo Koobka Qaramada Afrika.

Pierre-Emerick Aubameyang , Thomas Partey , Nicolas Pepe iyo Mohamed Elneny ayaa ku maqan waajibaadka caalamiga ah, halka Granit Xhaka uu qaadanayo ganaax labo kulan ah ka dib casaankii uu ka qaatay Liverpool.

Marka laga soo tago Takehiro Tomiyasu , Emile Smith Rowe iyo Sead Kolasinac ‘ dhaawacyo jira, Cedric Soares , Bukayo Saka , Kieran Tierney iyo Calum Chambers dhamaantood waxa ay aadeen EFL Cup bartamihii isbuuca.

Warbixin ka soo baxday Premier League ayaa lagu yiri: “Kadib codsi ka yimid Arsenal FC, guddiga Premier League ayaa maanta kulmay waxayna isugu raaceen in dib loo dhigo kulanka ay martida u yihiin kooxda Tottenham Hotspur, iyadoo la ciyaari doono 4:30 galabnimo maalinta Axada ee 16ka Janaayo.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan