Muqdisho (Dalkaan.com) – Ugu yaraan saddex qof ayaa maanta lagu dilay gudaha degmada Waabari ee gobolka Banaadir, iyada oo mid kale la dhaawacay, kadib markii ay rasaas xoogan ku fureen kooxo ku hubeysnaa bistoolado oo weerar ku qaaday.

Toogashada ayaa goor dhow ka dhacday agagaarka buundooyinka, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah.

Advertisement

Wararka ayaa sheegaya in saddexda qof ee la dilay ahaayeen askar ka tirsanaa ciidanka nabad sugida, gaar ahaan kuwa dhar-cadda ee ka howl-gala magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in mid ka mid ah raggii ka dambeeyey falkaasi ay gacanta ku dhigeen ciidanka ammaanka, halka ay baxsadeen kuwii kale.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi.

Muddooyinkii la soio dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo u badan dilal qorsheysan oo qaarkood ay sheegatay Al-Shabaab.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here