Kooxda Newcastle ayaa lagu soo waramayaa in ay bilawday sanadka cusub Qorshaheeda Suuqa iyada oo la xiriirtay xiddiga kooxda Barcelona ee Ousmane Dembele iyada oo u soo bandhigtay Fursad muhiim ah.

Qandaraaska ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee Nou Camp ayaa dhacaya xagaaga soo aadan markaasoo loo ogolaan doono inuu bilaash ku baxo – taasoo la micno ah in kooxaha xiiseynaya ay heshiis horudhac ah la gaari karaan 24 jirkaan.

Waxayna The Magpies qorsheynayaan inay Dembele ku soo jiitaan mushaar qaali ah, sida uu sheegay wariye Rudy Galetti.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Kooxda La Liga ka dhisan ayaa dhibaato dhaqaale ku qabta xidigan madama uu qaato mushahar waali ah xili uu sidoo kale diiday inuu sameeyo mushahar dhimis.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan