Photo/Reuters

Manchester United iyo Tottenham Hotspur ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsanayaan inay Janaayo u dhaqaaqaandaafaca Atletico Madrid Kieran Trippier .

Kadib guulo uu ku qaatay Wanda Metropolitano, xiddiga heerka caalami ee dalka England ayaa la saadaaliyay inuu ku laaban doono Premier League bisha soo aadan.

Newcastle United ayaa lagu xamanayaa inay tahay kooxda ugu cadcad saxiixa 31 jirkaan, Magpies ayaan wax dhibaato ah ku qabin inay la kulanto qiimaha Atletico kaasoo la rumeysan yahay inuu ku kacayo 20 milyan ginni sababtoo ah qandaraaskiisa oo dhacay xagaaga.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Si kastaba ha ahaatee, marka loo eego 90 min , siddeed kooxood oo kale ayaa ku jira tartanka Trippier, oo ay ku jiraan Man United iyo Spurs.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Aston Villa , Crystal Palace , Everton iyo Wolverhampton Wanderers ay sidoo kale u aqoonsadeen Trippier bartilmaameed macquul ah.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan