Reuters

Chelsea iyo kabtanka kooxda Cesar Azpilicueta ayaa weli ku jira heshiis is afgarad la’an ah.

TheSun ayaa ku warameysa in kabtanka kooxda iyo uu doonayo heshiis waqti dheer ah – oo la rumeysan yahay inuu ahaado seddex sano – marka kan hadda uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedka.

Laakiin Chelsea uma badna inay bixiso wax ka badan hal sano oo dheeri ah oo lagu kordhiyo ciyaartoyda da’da ah.

Waxaa jirta rajo ah in Azpilicueta uu heli karo 12 bilood oo dheeraad ah oo ka dambeeya 2023.

Daafaca reer Spain ayaa Chelsea ku sugnaa tan iyo 2012 waxana uu ku guulaystay koobab muhiim ah mudadaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Chelsea ayaa caado u ah inay qandaraasyo waqti gaaban ah siiso ciyaartoy ka weyn 30 sano iyadoon loo eegin taariikhdooda kooxda.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan