Kheeyre maxuu ka dalbaday Wakiilada Beesha Caalamka?

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Email

Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa kulan looga hadlay wax ka qabashada baahiyha ka jira deegaannada koonfur Galbeed, waxa uu magaalada Baydhabo kula yeeshay safiirradda dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya iyo wakiillada hey’adaha caalamiga ah ee fadhigoogu yahay Muqdisho.

Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Ra’iisul Wasaare Khayre ku wehliyay kulanka, ayaa soo bandhigay qorshayaasha horumarinta bulshada iyo deegaanka ee muhiimka ay tahay in laga taageero si loo gaaro horumarka iyo himilooyinka bulshada Koonfur Galbeed.

Khayre oo qorshaha socdaalkiisa Koofur Galbeed uu salka ku hayay horumarinta adeegyada bulshada iyo amniga, ayaa safiirrada u sheegay in lagama maarmaan ay tahay in ay qayb ka qaataan qorshaha horumarinta Koonfur Galbeed.

Wakiillada iyo safiirrada kulanka ka qayb galay oo Ra’iisul wasaare Khayre ku ammaanay dadaalka uu ugu jiro dib-u-kabashada dalka, ayaa ballan qaaday in Dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ay ku taageerayaan qorshayaasheeda horumarineed.

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Email

Previous articleHowgalo culus oo laga fuliyay Gobolka Sh-dhexe
Next articleMadaxweyne Waare oo kulan la qaatay Saraakiishii Baladweyne gaartay (Aqriso)

Source: dalkaan

Sports News
WARARKII