Kooxda Arsenal ayaa war wanaagsan loo soo diray oo ku aadan baacsiga ay ugu jirto xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Paris Saint-Germain ee Georginio Wijnaldum .

Laacibka reer Holland oo xagaagii si xor ah uga soo biiray kooxda PSG isagoo ka yimid Liverpool ayaa haatanba raadinaya koox cusub.

Sida laga soo xigtay Sky Sports , Wijnaldum waxa uu taageeri jiray Arsenal markii uu yaraa, welina waxa uu u arkaa mid ka mid ah kooxaha uu jecel yahay.

Xidhiidhka noocan oo kale ah ayaa laga yaabaa inuu ku qanciyo khadka dhexe ee Nederland, oo hadda ah 31 jir, inuu dib ugu soo laabto Premier League bisha Janaayo ama xagaaga.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Isagoo la hadlayay Sky Sports, saxafiga Kaveh Solhekol ayaa yiri: “Waxaa la ii sheegay in Arsenal ay tahay mid ka mid ah kooxaha uu jecel yahay.

“Qof u dhow ayaa yiri markii uu weynaadey wuxuu ahaa taageere Arsenal .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan