Waxaa todobaadkan la hadal hayey xan ah inee durba kala tageen lamaanaha cusub Kartik Aryan iyo Jhanvi Kapoor sida guudna labadoodaba waxay horey u lahaayeen xiririo kale oo Kartik waxuu lasocday Sara Ali Khan taaso ay kala hareen bartamihii 2019.

Dhinaca kale Jhanvi iyadana waxaa lagu xaman jiray Ishan Khattar sheekada hader waxay kusoo biyo shubatay in la isku xanto Jhanvi iyo Kartik ayadoo dhowaan la filaayo inee kasoo wada muuqan doonaa filimka Dostana2 inuu xiriir ka dhaxeeyana waxay dadka ku ogaadeen sanadka ccusub si wadajir ayee u dabaal dageen.

Advertisement

Goa ayee dalxiis u aadeen labadoodaba sido kalena mudooyinkii dambe waa la isku arkaa inta badan labadooda balse xan cusub ayaa kacday oo ah inee safaaradaha kala qaateen kadib markii la arkay inee Unfollow isdhaheen bartan Instagramka.

Saaxiibtinimada ayee iskala noqdeen markii xantaas akacday ayee hadana lamaanahan Follow isdhaheen ama dib ayee hadana iskula saaxiibeen Instagram-ka si xanta usii weynaanin shaqadoodana u ilaalshadaan inee shaashada wadaagaan ayee rabaane.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here