Kartik Aaryan ayaa dhawaan soo bandhigay muuqaalka koowaad ee filimkiisa soo socda ee ‘Dhamaka’, waxaana taageerayaashiisa ay aad ula dhacayn muuqaalkiisa horudhaca ah.

Filimkan oo uu Director kayahay Ram Madhvani ayaa soo bixi doona sanadkaan cusub gudahiisa. Aktarka Markii ugu dambeysay ee ladaawado waxaa lagu arkay ‘Imtiaz Ali’ filmkuu agaasimay ee ‘Love Aaj Kal’ oo lawaday Sara Ali Khan, Kartik ayaa lagu soo waramayaa inuu kumatali doono doorka suxufiga filimka inkastoo isaga iyo kooxda iskaleh filmka aysan midkoodna xaqiijin .

Sheekadu waxay daba socotaa weriye oo la sheegay inuu tabinayo weerar argagixiso oo dad badani ku dhinteen. Arrinta xiisaha leh ayaa ah in filimka lagu duubay hotel wax ka yar laba toddobaad. Shaqaalihii waxaa la dejiyay hoteelka, kaas gabi ahaanba cidkale aanu soo galin kooxda filmka mooyee,

Marka laga reebo qaar ka mid ah taxanaha ficillada ee lagu duubayo bannaanka. Ilo wareedyo ayaa sheegay in muuqaal kasta si taxaddar leh loo qorsheeyay, si loo dhammeeyo wax walba hal mar.

Marka la fiiriyo xaaladda convid19 ee hindia, kuwa sameenaya ma rabin inay dheereeyaan muddada duubista oo soo-saaridda ka hor iyo qorshaynta waxaa loo sameeyay si faahfaahsan oo lasoo diyaariyay.

Marka laga reebo ‘Dhamaka’, Kartik wuxuu kaloo leeyahay ‘Bhool Bhulaiyaa 2’ iyo ‘Dostana 2’ oo uu ku jiro kitty. Labada filimba dib baa loo dhigay cudurka faafa ee coronavirus dartiis

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here