Atirishada door kasto sameyn karto Parineeti Chopra oo aan la buun buunin wey soo rogaal celisay markaana waxaa u diyaarsan filimkeeda la wada sugaayo ee lagu magacaabo The Girl On The Train kaasi oo barta Netflix laga daawan doono dhawaan.

Advertisement

Filimka The Girl On The Train waxaa laga soo bandhigay goos goos cajiib badan oo Parineeti Chopra ku muujisay inay door kasto matali karto wuxuuna waqti ahaan soconayaa muuqaalkan 2-saac & 27-ilbiriqsi waxaana lagu soo koobay dulucda mashruucan xiisaha badan loo daawan doono.

Filimka The Girl On The Train oo ay Parineeti Chopra hogaamiye ka tahay waxaa barta Netflix Online ahaan looga daawan doonaa 26-ka bishan Febraayo ama todobaadka ugu dambeeyo bishan waxaana sheeko ahaan laga soo min guuriyay buuga isla magacan The Girl On The Train ee uu qoray Paula Hawkins waana sheeko ka hadleyso gabbar qareen ama abuukaate ah oo niyada ka jaban bur burkii guurkeedii kadib lamaane deris ah farxadooda ka heleyso waxay lasoo raaceysaa tareen waxayna goobta ku arkeysaa arin lama filaan ah oo noloshooda oo idil badaleyso dhibaato hor leh u horseedeyso.

Filimka The Girl On The Train waxaa Director ka ah Ribhu Dasgupta wuxuuna sheegay inuu aad kaga helay sida Parineeta Chopra doorkeeda Meera Kapoor 100% kaga run sheegtay jiliin ahaan iyo caadifad ahaan sidoo kalena wuxuu kalsooni ku qabaa filim sameeyahan in 26-ka bishan mashruucan daawadayaasha ka wada heli doonaa. Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka The Girl On The Train laga soo bandhigay waxaana Parineeti filimkan la jilayaan Aditi Rao Hydari, Kirti Kulhari iyo Avinash Tiwary:

[embedded content]

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here