Karim Adeyemi ayaa meesha ka saaray wax kasta oo suurtagal ah oo uu ugu dhaqaaqi karo Liverpool suuqa kala iibsiga ee soo socda ee January.

Weeraryahanka da’da yar ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli dambe, taas ayaana keentay in la isla dhex maro suuqa kala iibsiga ee ku aaddan halka uu aadi karo.

Liverpool ayaa ah koox lala xiriirinayo 19-sano jirkaan dhawaanahan, kaasoo dhaliyay seddexley isbuucaan markii ugu horeysay, isagoo dhaliyay goolkiisii ​​​​14 xilli ciyaareedkan horyaalka Bundesliga ee Austria.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

“Sida inta badan dhacda, weli wax go’aan ah lama gaarin, sidaan sheegay, waxaan sidoo kale joogi doonaa Salzburg sanadka soo socda, waana meesha aan diirada saarayo.

Kooxda reer Austria ayaa markii ugu horeysay taariikhda xilli ciyaareedkan gaartay wareega bug baxa ee tartanka Yurub, kaasoo Adeyemi uu haatan doonayo inuu qeyb ka noqdo.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan