Filim sameeye iyo soo saare Karan Johar iyo jilaaga door kasto sameyn karo Dostana 2 ayay ku midoobeen oo uu Karan iska leeyahay waxaana la wada ogaa in mashruucan atoorayaal badan iska diideen inay jileen sida Shahid Kapoor, Sidharth Malhotra, Tiger Shroff, Diljit Dosanjh iyo kuwo kale wuxuuna atoore kasto diiday in Janhvi Kapoor walaalkeed shaashada ku matalo balse ugu dambeyntii Kartik ayaa aqbalay oo rabay mar un inuu fursad u helo la shaqeynta Karan Johar shirkadiisa Dharma Productions waxaana dhacday jadwalka kowaad filimkan si guul kusoo dheehay kusoo idlaaday.

Advertisement

Laakiin saameyntii karoonaha waxay keentay filimkan shaqadiisa inay gabi ahaanba hakato sanadkii hore wuxuuna Karan sugaayay inta xaalada kasoo hagaageyso asigoo wax culees ah saarin Kartik iyo Jhanhvi oo ku aadan in ayadoo karoona jiro la shaqeeyo. Balse Karan wuxuu ka xumaaday Kartik Aaryan markii dabyaaqadii sanadka hore uu ka howl galay filimka Dhamaka sidoo kalena duubistiisa soo idleeyay ayadoo wiilkan uu marar badan diiday in duubista Dostana 2 la amba qaado.

Karan iyo Kartik wey wada kulmeen wuxuuna Karan atoorahan la wadaagay sida uu kaga xumaaday inuu mashruuc kale duubay sidoo kalena dhameestiray asigoo weli Dostana 2 meel u yaalo. Xaalka waxaa sii xumeeyay in Karan uu balanka kaga baxay Kartik wuxuu marka hore ka balan qaaday filimka Yodha inuu hogaamiye kaga dhigo laakiin Shahid Kapoor ayaa lagu wareejiyay sidaa darteed Kartik wuxuu dhawaanahan diidanaa in shaqada Dostana 2 la amba qaado asigoo culeesyo kale sheeganayo.

Sidaa darteed Karan shirkadiisa Dharma bilawgii todobaadkan waxay ku dhawaaqday filimkeeda Mr. Lele oo ay wada jilayaan Vicky Kaushal iyo Janhvi Kapoor duubistiisa bilaaban doonto bisha April ee sanadkan balse Karan waxaa la yaab ku noqotay in isla markiiba uu Kartik lasoo xariiray una sheegay waqtiga kaliya ee uu firaaqo helaayo tahay bisha April si uu Dostana 2 u dhameestiro, Karan hadalkaas wuu qaadan waayay sababtoo ah Mr. Lele iyo Dostana 2 waxaa labaduba atirisho kowaad ka ah Janhvi Kapoor marka suurta gal ma ahan labo hal bil gudaheeda inay wada duubto.

Sidaa darteed Karan wuxuu ku eedeeyay Kartik inuu arkin ku tala gal u sameeyay weyna doodeen haatana shabakada Bollywood Hungama waxay daabaceysaa in labadan xiriirkooda sii xumaaday waxayna gaareen heer aysan wada hadlin. Balse markii lala xariiray af hayeenka dhinaca shaqada ee Kartik Aaryan sheekada wuu beeniyay wuxuuna sheegay in Kartik mashquul ku yahay 3 ilaa 4-filim oo kala duwan kuna jiraan Dostana 2 iyo Bhool Bhulaiya 2 sidoo kalena uu doonayo aflaantan ilaa bisha April laga gaarayo inuu iska dhameeyo jadwalada ugu harsan qof ay isku dhaceena uusan jirin.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here