kangana waa atariisho Bollywood ah halka Can Yaman uu yahay Jilaa Turkish ah waxaana halkaan ka eegi doonaa afar meelood oo ay iska shabahaan.

1- Labada jilaa waxay aaminsanyihiin in filimadooda yihiin kuwa ugu fiican.

Advertisement

Kangana sidaas ayay aaminsantahay, halka Can Yaman uu si cad meel fagaare ah uga sheegay taxanayaashiisa iney yihiin kuwa ugu fiican

2-Labada jilaa waxay aaminsanyihiin iney yihiin jilayaasha ugu fiican jiilkooda.

Kangana waxay aaminsantahay atariishada ugu fiican Bollywoodka iney tahay kana fiicantahay atariishooyinka kale, Halka Can Yaman uuba taaganyahay jilaa kale ma aqaano aan aniga aheyn.

Mar laweydiiyay asiga iyo jilaaga Kivanc Tatlitug qofka fiican wuxuuba ku jawaabay Kivanc yaa la dhahaa?

3-Labada Jilaa wey muran badanyihiin.

Ma idiin kaga sheekeyn karno muranka Kangana waaba atariisho xili walba muran bartanka kaga jirta jilayaasha kalana far soo taagan ku ah mana jirto ama waa dhif jilaa aysan murmin.

Can Yaman asigana waa lamid oo habdhaqan xumidiisa iyo murankiisa joogtada ah ayuuba dhowr taxane ku waayay.

4-Labada jilaaba waxay kaloo ka simanyihiin in Filimadooda Average iska yihiin.

Kangana iyo Can Yaman midna ma gaarin heerka ay isku maleeyaan iney joogaan waayo Kangana filimadeeda waa kuwa iska dhexdhexaad markii loo fiiriyo filimada atariishooyinka maqaamka sare gaaray.

Sidaas si lamid ahna Can Yaman taxanayaashiisa waa kuwa iska meel dhexaad ah markii loo fiiriyo taxanayaasha ay la yimaadeen jilayaasha waaweyn ee Turkiga sida Kivanc Tatlitug, Burak Ozcivit, Cagatay Ulusoy iwm.


Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here