Janaraal Maxamed Nuur Galaal wuxuu ka mid ahaa dadkii lagu dilay weerarkii xalay lagu qaaday hoteelka Afrik ee magaalada Muqdisho.

Janaraal Galaal wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ciidamada xilligii dowladda kacaanka iyo ka hor-ba, islamarkana waxaa kaalimo kala duwan ka sii qaatay ciidamada Soomaaliya.

Advertisement

Janaraal Maxamed Nuur Galaal, wuxuu ku dhashay meel u dhaw magaalada Ceelbuur ee gobolka Galagduud, wuxuuna waxbarashadiisa asaasiga ah ku qaatay magaalada Muqdisho.

Markii uu dhammeeyay waxbarashada sannadkii 1957-dii, waxaa uu ku biiray booliska Soomaaliya. Wuxuu ku tababartay kuleejkii Ferari xilligii nidaamka daakhiliyada ee gumeystihii Taliyaaniga.

Isagoo laba-alifle ah, waxaa uu ka hawlgeli jiray saldhigii booliska ee la oran jray Oriantalle ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay ka soo wada shaqeeyeen madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Siyaad Barre.

Haddaba aan eegno kaalintii uu ku laha dagaalkii Soomaaliya ay la gashay Itoobiya, sannadkii 1997.

Kaalintii uu ku lahaa dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya

Janaraal Galaal wuxuu ka mid ahaa saraakiishii hogaaminaysay dagaalkii 1977 dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya.

Janaraalka wuxuu horey u sheegay in markii hore ay dagaalka abaabuleen midowgii Sofiyeet oo doonayay in la sii fidiyo barnaamijkii hanti wadaagga.

Galaal (AHU) waxaa uu intaa ku daray in dagaalka loo qorsheeyay labo weji.

“Dagaalka wuxuu lahaa labo weji oo kala ahaa midkii gobanima doonka iyo wajigii ay ciidamada ku bilaabeen weerarka – labadaba anaa ka shaqeeyay,” ayuu yiri Janaraal Galaal.

Alle ha u naxariistee Janaraalka ayaa sido kale sheegay in wajigii hore ee dagaalka ay abaabuleen jabhaddii Soomaali galbeed ee Itoobiya la dagaalamayay.

“Wejigii gabanima doonka waxaa hor kacayay jabhadihii, Soomaaliyana waxaan ka diyaarinay labo iskuul oo waawayn oo kala ahaa, meel la yiraahdo Qorilow oo Xamar u jirta 70KM, halkaas oo iskuul wayn aan ka sameynay oo dadka lagu tababaro,” ayuu horey u sheegay Janaraal Galaal oo xalay ku dhintay weerarkii hoteel Afrik.

Janaraal Galaal wuxuu sidoo kale tilmaamay in jabhaddii Soomaalida ay diyaarinayeen muddo sanad ah, ka dib-na la galiyay gudaha Itoobiya.

“1974 oo dhan ayaan wadnay – illaa sannadkii 1975-dii oo dhan iyo illaa 1976-na – ka dibna waan galinay ciidamadii, jabhadda sidaan rabnay iyo si ka daran ayay u galeen,” ayuu yiri.

Janaraal Maxamed Nuur Galaal ayaa sheegay in markii jabhadihii ay ciidamada Itoobiya ka saareen tuulooyiinka, ka dib loo baahday in ciidamo wada hub xooggan. Wuxuu dib ula hadlay madaxwayne Maxamed siyaad Bare si wajiga labaad ee dagaalka loo guda galo.

“Markii hore waxay ballantu ahayd in marka ay jabhadaha soo kuusaan ciidamada Itoobiya oo magaalooyiinka waaweyn isku soo uruuriyaan oo ay ka soo saaraan tuulooyiinka iyo degmooyiinka markaas jabhadda kama saari karto in hub waaweyn in lala dhaco,” ayuu yiri Janaraal Galaal.

Wuxuu sidoo kale xusay in markii ay jabhadaha guul gaareen lana qorsheynayay in ciidamada Soomaaliya ay Itoobiya gudaha u galaan in uu isbadal ka dhacay dalak Itoobiya oo la riday dowladdii jirtay taasina ay keentay in Ruushka uu badalo qorshihii hore.

“Wuxuu ku hagaagay dagaalka mar ay midowgii sofiyeetka bedeleen ra’yigii ku jiray ee aan isla wadnay oo Xayle Thalaase la riday oo mingistu uu soo baxay. Wuxuu laayay dadkii oo wixii oo dhan ka taqalusay, wayna u bogeen Ruushka, waxaasi oo dhan waxay dhaceen intaan ku jirnay dhisiddii jabhadda,” ayuu yiri Janaraal Galaal.

Janaraal Galaal ayaa xusay in Midowgii Soofiyeedka ay markii dambe ku sheegeen farriin in dowladdii Soomaaliya in aysan dagaalka Itoobiya bilaabin, balse ay xilligaas isaga u muuqatay in meel laga noqdo aan la joogin.

Dajinta qorshihii dagaalka ee Janaraal Galaal

Janaraal Maxamed Nuur Galala (AHU) ayaa sheegay in isaga uu ahaa qofkii loo xilsaaray in dagaalka ciidamada Soomaalida lagu galinayo Itoobiya uu abaabulo. Wuxuuna aha qofkii qorsheeyay duullaanka.

“Waxaa la yiri ‘waxaa loo baahan yahay hal qof oo xaruntii xoogga dalka oo dhan u shaqeeya oo dagaalka abaabula oo qorshahan dajiya’, markii la is fiirfiiriyay qofkaas aniga ayuu noqday,” ayuu sheegay Janaraal Galaal intii uu noolaa.

Mr Galaal ayaa intaa ku daray in madaxwayne Maxamed Siyaad Bare u yeeray uuna ka codsaday in dagaalka uu hoggaamiyo.

“Samatar ayaa markii hore ii soo jeediyay aniga, waan diiday, waxaan ku iri ‘jabhaddii ayaan ku waashay ee ma yeelayo’, markii dambe waxaa ii yeeray Siyaad Bare wuxuu igu yiri ‘halkee uga noqonaa ee gal dagaalka’, waana galay”.

Janaraal Galaal ayaa tilmaamay in dowladdii kacaanka ay xafiis gooni ah u sameysay halkaasi oo uu ku dajiyay qorshihii dagaalka.

Intii uu noolaa wuxuu BBC u sheegay in xafiis looga sameeyay meel duleedka ka ah magaalada Muqdisho. “Muddo saddex bilood ah ma arkin reerkeyga halkaas ayaana fadhiyay.”

“Waxaan bilaabay qorshihii ciidamada; sida loo qeybinayo, meelaha ay kala aadayaan, fogaanta dhulka iyo ballaarkiisa intee dhan yahay? waxaasaan galay”.

Janaraalka (AHU) waxaa uu xusay in dagaalka uu bilaabmay 23 July 1977-dii.

“23 July sannaddii 1977-dii ayaan ku dhufanay dhinaca Koonfureed sida Godey, Qabridahare iyo dhagax buur,” ayuu sheegay.

Janaraalka wuxuu BBC u sheegay in ciidamadii Soomaaliya ay guulo waaweyn ka gaaren dagaalkii ay la galeen ciidamadii Itoobiya.

“Qabridahar isla maalinkiiba waan qabanay waxayna ahayd xarunta dhexe ee laga difaaco dhulkan Soomaali Galbeed,” ayuu yiri Janaaraal Galaal.

Qaabkii ayaa loo soo jabiyay ciidamada Soomaalida?

Janaraal Maxamed Nuur Galaal (AHU) wuxuu xaqiijiyay in markii dambe ciidamada Soomaalida uu jab xun soo gaaray.

Balse Janaraal Galaal wuxuu diiday in uu qaato masuuliyadda jabkaas maadaama uu isaga lahaa qorsheynta dagaalka.

“Jabkaas aad iyo aad ayuu u fool xumaa – u jeedada jabka waxaa iska lahaa Maxamed Siyaad,” ayuu yiri.

Wuxuu intaa ku daray in madaxwaynihii Soomaaliya ee xilligaasi uu diiday qorsha uu Midowgi Sofiyeet soo jeediyay ee ahaa in labada dhinac la dhexdhexaadiyo, ka dib-na Ruushka uu taageeray Itoobiya.

Isha: BBC

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here