Kooxda ka dhisan Serie A ee Juventus ayaa lagu soo waramayaa inay ku biirtay kooxaha Chelsea iyo Manchester United tartanka loogu jiro ciyaaryahanka khadka dhexe ee Monaco Aurelien Tchouameni .

21-sano jirkaan ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu ka tagayo kooxda ka dhisan Ligue 1, iyadoo Blues la rumeysan yahay inay bisha Janaayo heshiis la gaarto xiddiga reer France.

Si kastaba ha ahaatee, Eurosport , oo soo mareysa Daily Express , ayaa ku warameysa in labada kooxood ee Chelsea iyo Man United ay dhabar jab weyn kala kulmi karaan baacsiga ay ku doonayaan Tchouameni sababtoo ah Tottenham Hotspur ayaa xiiseyneysa saxiixa Weston McKennie .

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Haddii kooxda Antonio Conte ay la wareegto McKennie suuqa jiilaalka, Juve ayaa isku dayi doonta inay ku beddesho xiddiga heerka caalami ee dalka Mareykanka Tchouameni, kaasoo ay Monaco ku qiimeyso €50m (£41.2m).

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Juventus ay dooneyso inay iska iibiso McKennie haddii ay hesho dalab gaaraya €30m (£23.5m) si ay uga caawiso inay u dhaqaaqdo Tchouameni.

Tchouameni, oo labo sano iyo bar uga harsan tahay qandaraaskiisa, ayaa dhaliyay labo gool 28 kulan oo uu u saftay Monaco tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan