Juventus ayaa lagu soo waramayaa inay la xiriirtay Tottenham Hotspur suurtogalnimada ay amaah kula soo saxiixaneyso weeraryahan Giovani Lo Celso inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

25 jirkaan ayaa 79 kulan u saftay Spurs tartamada oo dhan, isagoo ka qeyb qaatay sideed gool iyo shan caawin, tan iyo markii uu kooxda kaga soo biiray Real Betis, markii hore amaah.

Lo Celso ayaa sidoo kale saftay 14 kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, inkasta oo kaliya 7 ka mid ah uu ka ciyaaray Premier League, waxaana uu dhawaanahan uu ku maqnaa dhaawac.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Sida laga soo xigtay Calciomercato , Juventus ayaa qaabkii ugu horeysay u sameysay xiddiga heerka caalami ee dalka Argentina, kaasoo u furan inuu u dhaqaaqo Italy inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga.

Dejan Kulusevski ayaa la sheegay in loo isticmaali karo qayb ka mid ah heshiiska, iyadoo Spurs ay muujisay xiisaha ay u qabto xiddiga heerka caalami ee dalka Sweden, kaasoo u muuqda mid xor ah inuu ka tago Old Lady bisha soo socota.

Bixinta suurtagalka ah ee Lo Celso ayaa sidoo kale albaabka u furi karta Spurs inay u dhaqaaqdo Adama Traore , iyadoo kooxda Waqooyiga London la sheegay inay weli xiiseyneyso weeraryahanka Wolverhampton Wanderers.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan