Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Barcelona Frenkie de Jong ayaa lagu soo waramayaa inuu kasoo muuqday bartilmaameed Juventus .

24-sano jirkaan ayaa weli ah shaqsi muhiim u ah Camp Nou, isagoo wadar ahaan u saftay 23 kulan La Liga iyo Champions League xilli ciyaareedkan.

Si kastaba ha ahaatee, xiddiga heerka caalami ee dalka Netherlands ayaa dhawaanahan lala xiriirinayay inuu baxo, taasoo qeyb ka ah isku shaandheyn lagu sameeyay kooxda Barcelona oo dooneysay inay buuxiso sharciga dhaqaalaha.

Sida laga soo xigtay Calciomercato , Juventus ayaa ah kooxdii ugu dambeysay ee muujisa xiisaha ay u qabto De Jong iyagoo ka fikiraya isbedelada khadka dhexe.

Arthur , Rodrigo Bentancur iyo Aaron Ramsey ayaa dhamaantood lala xiriirinayay inay ka tagayaan Turin, taasoo keentay in kooxda ka dhisan Serie A ay u baahdaan inay tixgeliso bedelka.

Manchester City , Chelsea , Paris Saint-Germain iyo Bayern Munich ayaa sidoo kale la sheegay inay isha ku hayaan xaalada, iyagoo ka warqaba in Barcelona ay diyaar u tahay qiimo dhimis.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan