Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay hogaanka u heyso safka loogu jiro Anthony Martial oo amaah kaga tagi kara Manchester United ka hor dhamaadka suuqa January.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa ka soo kacay kursiga keydka isagoo qeyb weyn ka qaatay goolkii ay Man United kaga badisay West Ham United ciyaar ka tirsaneyd horyaalka Premier League galabnimadii Sabtida.

Tababaraha ku meel gaadhka ah ee Red Devils Ralf Rangnick ayaa tan iyo markii uu weerarka ku amaanay doorkii uu ka qaatay guushii ay ka gaadheen Hammers, laakiin 26 jirkan ayaa wali la filayaa in uu ka tago Old Trafford ka hor dhamaadka bishan.

Sevilla ayaa si xoogan loola xiriirinayay Martial, laakiin sida laga soo xigtay Tuttomercatoweb , Juventus ayaa ‘faa’iido’ ku leh tartanka saxiixiisa.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Marwada Duqda ay haatan ‘xoojineyso’ dadaalkeeda ku aadan saxiixa xiddiga reer France, iyadoo kooxda reer Talyaani ay tilmaamtay inay diyaar u yihiin inay bixiyaan mushaarkiisa inta ka dhiman xilli ciyaareedka.

Martial – oo sidoo kale lala xiriirinayo Barcelona bishaan – ayaa dhaliyay hal gool 11 kulan oo uu u saftay 20 jeer horyaalka Ingariiska intii lagu jiray ololaha 2021-22.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan