Kismaayo (Dalkaan.com) – Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa qoraal adag kasoo saaray mowqifkooda ku aadan doorashooyinka dalka iyagoo muujiyay sida ay u doonayaan iney dalka ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, loona siman yahay.

Sida ku cad qoraalkaan Dowlad Goboleedka Jubbaland waxey diyaar u tahay ka shaqeynta iney qabsoonto doorasho wakhtigeeda ku dhacda, balse waxey sheegeen in dowladddu ay baalmareyso heshiiskii 17-kii September 2020 lagu gaaray magaalada Muqdisho kaas oo u dhaxeeyay dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Advertisement

Qoraalkaan kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland waxaa lagu dalbaday in gacantooda lagu soo celiyo gobolka Gedo dhan walba, waxeyna intaas ku dareen in ciidamo jabhad u abaabulan oo ka amar qaata saraakiil ka tirsan ciidanka Nabad sugidda dowladda Federaalka ay muddo laga joogo 10 bilood gacanta ku hayaan.

Iyadoo ay taasi jirto ayey dowlad goboleedka Jubbaland sheegtay ineysan halkaas ku qaban karin doorasho maadaama ay tahay meel ay shaqsiyaad gaar ah gacanta ku hayaan.

Ugu dambeyntii waxey dowladda dhexe uga digeen iney iska indho tiraan  cabashooyinka iyo digniinaha ay soo saareen saamileyda siyaasadeed ee dalka oo ay ugu horreeyaan midowga musharaxiinta, kuwaas oo lagu dalbanaayo iney dhacdo doorasho la isku waafaqsan yahay.

HALKAAN HOOSE KA AKHRISO QORAALKA:

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here