Photo/Sun

Xiriirka FA-ga Nigeria ayaa Jose Mourinho kala hadlay rajada laga qabo in uu noqdo tababaraha cusub ee xulka qaranka, madaxdooda ayaa daaha ka qaaday.

Xulka Super Eagles ayaa ah tababare la’aan ka dib markii ay ceyriyeen Gernot Rohr horaantii bishaan, iyadoo  Koobka Qaramada Afrika ay ka harsan  yihiin toddobaadyo.

Amaju Pinnick, oo ah madaxa xiriirka FA-ga Nigeria, ayaa doonaya inuu magacaabo tababare ka dhigi kara kooxda awood badan iyadoo Nigeria ay raadineyso inay ku guuleysato AFCON markii ugu horeysay tan iyo 2013.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Pinnick ayaana shaaca ka qaaday inay bartilmaameedsadeen tababaraha Roma Mourinho ka hor tartanka.

Waxa uu u sheegay wargeyska Daily Trust ee ka soo baxa dalka Nigeria: “Waxa xooga la saarayaa tababaraha cusub.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan