Murqaaniga Bollywood-ka John Abraham ayaa si rasmi ah usoo gaba gabeeyay duubista filimkiisa weyn Satyameva Jayate 2 sidoo kalena wuxuu kasoo bandhigay sawirka ama kaartada idiin muuqato oo ah muuqaal ka mid ah filimkan weyn ee la wada sugaayo xili maanta Hindiya maalinta Jamhuriga u dabaal dagayaan ayuu John baraha bulshada qabsaday asigoo calanka Hindiya wato.

Advertisement

John Abraham wuxuu ku celiyay mar labaad in filimkiisa Satyameva Jayate 2 la daawan doono 14 May 2021 oo ku beegan todobaadka Ciidul Fitriga ama Eid 2021 waxayna isku dhici doonaan filimka weyn Radhe ee Megastar Salman Khan hogaamiye ka yahay.

Filimka Satyameva Jayate 2 waa qaybta labaad ee mashruucii Satyameva Jayate kaasi oo sanadii 2018 Super Hit weyn noqday sidoo kalena waxaa Director ka ah Milap Zaveri halka John Abraham iyo shirkada T Series isla maal galinayaan waxayna xili hore bilaabi doonaan xayeysiin u sameynta mashruucan madaama ay dagaal culus la gali doonaan Salman Khan iyo filimkiisa Radhe.

Satyameva Jayate 2 waxaa door muhiim ah ku leh Divya Khosla Kumar halka John Abraham doorkiisii askariga mayalka adag ee necbaa laaluush-ka askarta qaato sii amba qaadi doono wuxuuna filimkan leeyahay Action-mo waali ah ayadoo John markale awoodiisa dhanka Action-ka shaashada kusoo bandhigi doono Ciidul Fitrigan hadduu Alle idmo.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here