Jilaaga da’da ah misna Turkiga u dhashay ee Atella Pekdemir kaasoo badankiina aad ku aragteen taxanayaasha Turkiga gaar ahaan taxana Hercai ayaa lagu soo waramayaa inuu maanta geeriyooday.
Atella oo oday da’ ahaa ayaana u geeriyooday cudurka faafa ee Corona Virus kaasoo dhawaan ku dhacay, waxaana isugu darsantay asigoo da’ ah iyo cudurka.
Advertisement
Atella ayaana horay u jilay taxanayaal badan kii ugu dambeeyayna wuxuu ahaa taxanaha Ammana, waxaana uga sii horeeyay taxana Hercia oo uu ku jilayay magaca Yuusuf asigoona ahaa Nasuh Sadoglu saaxiibkiis.
Allaha u naxariisto qabrigana ha u waasiciyo janadiisana haka waraabiyo.
Source: dalkaan.com