Bollywoodka waxaa jiraan jilayaal sixun ugu fashilmeen kadib markii filimadooda guuldarooyin isdaba joog ah ka bixi waayeen, waxaana jilayaashaas kamid ah Dino Morea.

Dino Morea oo bilowgii qarnigaan Bollywoodka kusoo biiray ayaa filimkiisii ugu horeeyay Flop ka noqday balse filimkiisii labaad oo Raaz ahaa ayaa Blockbuster weyn noqday kadib markii siweyn looga helay.

Wixii markaas ka dambeeyay jilaagaan Flop iyo Disaster ayuu ka bixi waayay kaliya waxaa filim guuleystay u noqday filimka Aksar oo 2006dii soo baxay kaasoo Semi Hit noqday.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo 25ka filim ee uu Dino Morea keenay iyo natiijada ay gaareen.

15 Filim waxay noqdeen Disaster.

6 Filim waxay noqdeen Flop.

1 Filim Average.

1 Filim Semi Hit

1 Filim Super Hit (Waa filima Happy New Year oo uu muuqaal marti ku leeyahay).

1 Filim Blockbuster.

Dino Morea ayaana Bollywoodka isaga baxay wixii markaas ka dambeeyay.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here