Dhamaadka xalqada 57aad ee taxanaha Hercai dhacdooyin xiiso leh ayaa lagu arkayaa waxaana kamid ah qodobka soo socda oo ah Jihan oo isku diray Miran iyo Reyan waxaana macquul ah xalqada isbuuca dambe inee lamaanaha isku dhacaan.

Jihan waa qofka toogtay ninkii Miran usheegi lahaa inee Fusun dili rabtay isaga Miran hadaba Miran wuu arkay Jihaan inuu yahay qofka toogtay ninka sidaa aawged Miran iyo Furat ayaa soo afduubayaan Jihaan waxuuna Miran weydiinaa sababta Jihan sidan usameeyay.

Advertisement

Jihaan waxuu dhahaa hadii aad dooneyso inaad ogaatid wax walbo orod oo xaaskaada weydii wax walbo wey ogtahay iyo qofka adiga ku dili rabay weydii maxay kaaga qarisay sirtaan iyadoo wax walbo og hadaba Miran aad ayuu oga niyad jabay hadalkaas markuu maqlay waayo Reyan sir weyn ayee ogtahay.

Reyan waxay ogtahay in Caziiza ayeeyo run u tahay Miran, In Fusun ay dili rabtay Miran, in mataanahae caloosha kuwaday mid kamid ah ay dishay Fusun intaasba wey ogtahay Reyan hadaba Miran maxuu sameyn doonaa markuu Reyan la kulmo misane uu weydiiyo wax walbo ay kaqarisay iyadana ay usheegto xalqada dambe ayaan ku ogaaneena.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here