Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Jesse Lingard ayaa haatan lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu sii joogo oo uu u dagaalamo booskiisa kooxda ee uu hogaamiyo tababaraha ku meel gaadhka ah ee Ralf Rangnick .

29-sano jirkaan ayaa la filayay inuu ku riixo kooxda inuu baxo inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga ee Janaayo, isagoo ku guuldareystay inuu hal kulan ku soo bilowdo Premier League ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Newcastle United iyo West Ham United ayaa ka mid ahaa kooxaha loo maleynayo inay xiiseynayaan Lingard, kaasoo dhaliyay sagaal gool 16 kulan oo uu ciyaaray intii lagu jiray qeybta labaad ee 2020-21.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Si kastaba ha ahaatee, The Athletic ayaa ku warameysa in Lingard haatan diyaar u yahay inuu sii joogo Old Trafford ugu yaraan inta ka dhiman xilli ciyaareedka.

Xiddiga heerka caalami ee dalka England qandaraaskiisu wuxuu dhacayaa xagaaga soo aadan, waxaana uu xor u yahay inuu wadahadalo la furo kooxaha dibadda laga bilaabo Janaayo 1.

Barcelona iyo AC Milan ayaa labadoodaba horey loola xiriirinayay Lingard, kaasoo diiday qandaraas kordhinta Man United bishii October.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan