Muqdisho (Dalkaan.com) – Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay in 12 milyan oo Yuuro ay ugu deeqday Sanduuqa Gargaarka Bani’aadannimo ee Soomaaliya (SHF), taasi oo ka dhigan in Jarmalka uu sanadkaan gargaarka Soomaaliya ku bixiyay dhaqaale gaaraya 64 milyan oo Yuuro.

Malaayiinta dollar ayaa loogu tala-galay in lagu caawiyo dadka ay saameeyn abaaraha si ay ula tacaalan xaalada bani’aadannimo ee soo food saartay.

Sidoo kale dowladda Jarmalka ayaa sheegay inay sii wadi doonto garab istaaga Soomaaliya iyo shacabkeeda, islamarkaana ay kaalin muhiim ah ka ciyaari doonto sidii loo maareyn lahaa abaaraha iyo dhibaatooyinka ka dhasha.

“Si wada jir ah ayaanu wax badan u gaari karnaa, waanan ka sii xoogaysanayna sidii aanu u yarayn lahayn waxyeelada abaarta, Jarmalku waxa uu ku hanwayn yahay in uu qayb ka yahay dedaalka, waxaana ka go’an in aanu la shaqayno saaxiibadiisa iyo beesha caalamkaba, si aan abaarta jirta oo kaliya looga qaybgalin, balse loo helo xal waara oo dheer. xal u helida jahawareerka cimilada ee soo noqnoqda ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Jarmalka.

Ku dhawaaqista taageeradan ayaa daba socotay lacag kale oo dhan 7 milyan oo Yuuro oo loogu talagalay hawlaha Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP).

Taageerada Maaliyadeed ee Jarmalka ayaa waxay kusoo aadeysa xilli aad u xasaasi ah oo Soomaaliya ay la daala-dhaceyso maareynta abaaro hor leh, kadib markii ay hoos u dhaceen roobaabkii ka da’i jiray dalka.

In ka badan 7.7 Milyan oo Soomaali ah ayaa u baahan doonaan gargaar bani’aadanimo 2022-ka, sida ay Qaramada Midoobay ku sheegtay warbixin ay ku qiyaastay abaaraha Soomaaliya.





Source: dalkaan.com