Photo REUTERS/Mike Egerton

Weeraryahanka kooxda Leicester City Jamie Vardy ayaa la sheegay in uu garoomada ka maqnaan doono muddo bil ah kadib markii uu dhaawac soo gaaray.

Ciyaaryahankii hore ee England ayaa dhaawac soo gaaray ka dib markii isku dhaceen Joel Matip intii lagu guda jiray kulankii Foxes ay 1-0 kaga badiyeen Liverpool , si kastaba ha ahaatee, wuu dhameystay ciyaarta.

Vardy ayaa lagu daweeyay garoonka dhexdiisa, waxaana hadda la xaqiijiyay in 34-sano jirkaan uu maqnaan doono bisha Janaayo ka dib markii ay ka sii dartay dhibaato muruqa ah.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

“Waxay noqon kartaa saddexda ilaa afarta todobaad ee soo socda” ayuu Brendan Rodgers u sheegay saxaafada.

Vardy ayaa kaliya ku soo laabtay kooxda ka dib markii uu seegay kulankii Boxing Day ee Manchester City isla arinta, si kastaba ha ahaatee, Leicester kaliya seddex kulan ayaa loo qorsheeyay bisha soo socota.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan