Isku-aadak wareegga 32ka tartanak Copa del Rey ayaa la shaaciyey, waxaanay kooxda Real Madrid ku beegantay naadigii sida xun u garaacay xilli ciyaareedkii hore ee waqtigan oo kala ka reebay tartanka ee Alcoyano.

Real Madrid ayaa si lama filaan ah uga baxday tartanka markii ay Alcoyano 2-1 ku garaacday bishii January, laakiin hadda ayay haystaan fursad ay kaga aargoosan karaan oo ay ugu gudbi karaan wareegga xiga ee 16ka.

Kooxda koobka difaacanaysa ee Barcelona ayaa ku dhacday naadiga yar ee Linares, halka Atletico Madrid ay naadiga yar ee Rayo Majadahonda oo ay deris yihiin garoonkooda tababarka.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Goorma ayaa la ciyaarayaa kulamada wareegga 32ka?

Kulamada wareegga 32ka Copa del Rey waa hal kulan oo kaliya oo kooxda laga badiyo ay hadhi doonto. Wareeggan isku-aadkiisa lasoo saaray ayaa la ciyaaari doonaa January 4, 5 iyo 6.

Xidhiidhka kubadda cagta Spain ayaa meesha ka saaray in kulamadan lagu daro waqti dheeraad ah, waxaana ciyaara 90ka daqiiqadood ku dhamaada barbarro lagu go’aamin doonaa rikoodheyaal.

Isku-aadka wareegga 32-ka ee Copa del Rey oo dhamaystiran:

Atletico Mancha Real vs Athletic CLub

Rayo Majadahonda vs Atletico Madrid

Alcoyano vs Real Madrid

Linares vs Barcelona

Atletico Baleares vs Celta Vigo

Real Valladolid vs Real Betis

Almeria vs Elche

Mirandes vs Rayo Vallecano

Cartagena vs Valencia

Sporting Gijon vs Villarreal

Eibar vs Real Mallorca

Fuenlabrada vs Cadiz

Leganes vs Real Sociedad

Girona vs Osasuna

Zaragoza vs Sevilla

Ponferradina vs Espanyol

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan