Jilaaga Ranveer Singh iyo filimsameeye Rohit Shetty waxay baryahaan dambe ku mashquulsanaayeen sameynta filimkooda Cirkus, kaasoo uu Ranveer labo waji ku matali doono.

Kadib guushii weyneyd ee filimkooda Simmba kaasoo Blockbuster noqday iyo kasoo muuqashadii Ranveer ee filimka Sooryavanshi kaasoo uu Rohit Shetty Directed ka yahay haatan labadooda ayaa waxay duubis ku wadaan filimka Cirkus oo siweyn loo wada sugaayo dabayaaqada sanadkaan.

Advertisement

Rohit Shetty ayaana soo bandhigay sawir xiiso kale kaasoo ay asiga iyo Ranveer iskala soo muuqdeen wuxuuna u ekaa muuqaal Action ah iney duubayeen, balse Ranveer ayaa gadaal ka sheegay in muuqaalka sawirka uusan aheyn filimka balse uu yahay Muuqaal xayaysiin ah oo labadooda sameynayeen.

Sawirka ayaana baraha bulshada qabsaday ayadoona la isweydiinaayo hadiiba kani muuqaal xayaysiis yahay sida uu noqon doono muuqaalka filimka Cirkus oo ay soo wadaan.

Filimka Cirkus ayaana waxaa Ranveer Singh ku wehliyo Siddhartha Jadhav, Johny Lever, Sanjay Mishra, Vrajesh Hirjee, Vijay Patkar, Sulbha Arya, Mukesh Tiwari, Anil Charanjeett, Ashwini Kalsekar, iyo Murli Sharma.

Filimka ayaana waxaa muuqaal marti ah ku leh xaaska Ranveer Singh ee Deepika Padukone, wuxuuna soo bixi doonaa misna tiyaatarka la saari doonaa 31da bisha December 2021da.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here