Ugu dambeyntii xidiga laga daba dhacay Vijay Deverakonda filimkiisa Liger ayaa lagu dhawaaqay xiliga rasmiga ah ee la daawan doono waa mashruuc weyn oo Telugu ah balse markaan Vijay filimkiisa waa mid Hindiya oo idil ka wada dhaxeeyo laguna daawan doono luqadaha Hindi, Tamil, Telugu, Malayalam iyo Kannada.

Advertisement

Director Puri Jagannadh iyo xidigiisa Vijay Deverakonda waxay si rasmi ah u xaqiijiyeen in filimkooda Liger la daawan doono 9 September 2021. Filimkan weyn waxaa soo saarayaasha ka mid ah Karan Johar sidoo kalena atirisho kowaad waxaa ka ah Ananya Pandey waana filim Vijay isku bari doono daawadayaasha aflaanta Bollywood-ka daawadaan madaama mashruucan uu yahay mid Hindiya oo idil laga daawanayo.

Filimka Liger duubistiisa sanadkii hore ayay bilaabatay balse saameyntii Karoonaha ayay u hakatay dhawaan ayaa dib loo amba qaaday waxaana lagu wadaa dhawaan in lasoo gaba gabeeyo ayadoo Vijay Deverakonda filimkan ku matalaayo feer yahay awood badan oo aan cabsanin inta badana mashruucan waxaa lagu duubay Mumbai iyo dhankaas Thailand.

Vijay Deverakonda oo ku caan baxay sameynta filimada Blockbuster noqdeen sida Arjun Reddy, Mahanati iyo Geetha Govindam balse labadiisa filim ugu dambeeyay ganacsi ahaan wey ka guul dareesteen Dear Comrade iyo World Famous Lover wuxuuna doonayaa culeeska inuu isaga dajiyo filimka Liger oo mashruuc weyn ah sidoo kalena Hindiya oo idil laga wada daawan doono.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here