Megastar Chiranjeevi oo ah Superstar-ka reer Telugu ugu awooda badan ayaa si rasmi ah usoo bandhigay goos gooska kooban (Teaser) filimkiisa weyn Acharya sidoo kalena mashruucan waxaa shaaca laga qaaday waqtiga rasmiga ee tiyaatarada gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka laga daawan doono.

Advertisement

Acharya waxaa tiyaatarada la saari doonaa 13-ka May 2021 ama Ciidul Fitriga sanadkan waxaana soo saare ka ah Chiranjeevi wiilkiisa Mega Power Star Ram Charan oo sidoo kale filimkan weyn door muhiim ah ku leh waana mashruuc si caalami ah loo sameeyay.

Director Kortala Siva ayaa goos gooska kooban uu Acharya kasoo bandhigay diirada ku saaray awooda Chiranjeevi iyo sida uu dadkiisa tababarta daran ee garabka u baahan ugu hiilanayo waxaana laga wada helay haddalada Chiru adeegsanayo iyo ficilada uu sameenayo.

Filimka Acharya waxaa atirisho kowaad ka ah Kajal Aggarwal sidoo kalena haatan waxaa la duubayaa qeybihiisa ugu dambeeyo jadwal ahaan waana filim lagu kalsoon yahay inuu dhul weynaha Telugu wacdaro lixaad leh ka dhigi doono Ciidul Fitrigaan. Fadlan hoos ka daawo goos gooska kooban (Teaser) ee filimka Acharya laga soo bandhigay hubaal ahaan waad ka heli doonaa bandhiga Chiru:

[embedded content]

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here