Superstar Salman Khan ayaa xaflada yar ee dhalashadiisa 55-aad kusheegay in filimkiisa soo socda ee ‘Radhe -‘ tiyaatarada lasaari doono maalinta ciida 2021

Advertisement

waa hadii xaalada amaan ay tahay oo dadka imaanaya wax dhibaato ah kaga imaaneen.

Radhe’ Waxaa Director ka ah Prabhudheva, waxaa horay loo qorsheeyay in lagadaawado shaashadaha India inta lagu gudajiro dabaaldega 22 May ee sanadkaan laakiin dib ayuu udhacay ka dib dhibaatada Convid19.

Markii wax laga weydiiyay soo bixista filimka ‘Radhe …’, Khan wuxuu sheegay inuu doonayo filimka inuu soo baxo ciida 2021 laakiin taariikhdu weli Rasmi ma ahan.

Xaaladda ayaa hada cakiran … markay dadku bilaabaan inay dib ugu laabtaan tiyaatarada sidokalana helaan ​​lacag ay ku qaataan madadaalo waasii deyn doonaa …” “Waxaan sameynay ballanqaad ah in lasii daayo Ciida sanadkii la soo dhaafay waxaana bixin doonaa hadda ballan qaad kale oo ku aadan Ciida 2021.,” ayuu u sheegay wariyeyaasha.

Khan, oo qoyskiisa kula jira beertiisa Panvel, wuxuu la falgalayay warbaahinta “, jilaaga ayaa carabka ku adkeeyay. “Muhiimadu waa marka aan sii deyno ‘Radhe’ qof walba waa inuu amaan ku ahaadaa waqtigaas tiyaatarada.

Ilaaheyna ha naga dhigo amni, hadii wax dhacaan lama aqbali doonee. Waa inaan si guul leh u qorsheynaa,” “COVID-19 meel walba ayuu ka sii kordhayaa. Weli halkan ayuu joogaa berritana wuu joogi doonaa sidoo kale,” ayuu raaciyay.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here