Waxaan horey idin kula wadaagnay labada awooda badan Hrithik Roshan iyo Deepika Padukone inay wada sameenayaan filimka Fighter oo uu Director ka yahay Siddharth Anand lana daawan doono 30 September 2022 waxayna noqon doontaa markii ugu horeesay HR iyo Deepika shaashada kasoo wada muuqan doonaan.

Advertisement

Haatan waxaa soo baxday aqbaar kale oo weyn oo ku aadan in Hrithik iyo Deepika wada sameyn doonaan filimka weyn Ramayan oo HR ku matali doono doorka Ram ee taariikhda Hinduuga ku weyn sidoo kalena dagaal yahan ahaa qarniyo hore una dheer tahay inay Hinduuga asnaamta ay caabudaan Ram ka mid yahay halka Deepika filimkan ku jileyso doorka Sita.

Soo saare  Madhu Mantena ayaa warbaahinta u sheegay in Hrithik iyo Deepika si hordhac ahaan kaga aqbaleen hogaaminta filimka Ramayan waxaana mashruucan lagu qarash gareen doonaa 300 Crore si caalami ah ayaa filimkan loo sameyn doonaa wuxuuna ka mid noqon doonaa filimada ugu qaalisan ebid Hindiya sameeyaan.

Director Nitesh Tiwari oo filimkii Dangal 2016 Aamir Khan u sameeyay kaasi oo All Time Blockbuster noqday ayaa haatan qaatay masuuliyada sameynta filimka Ramayan oo sheekadiisa la qoray qorshahana wuxuu yahay dabyaaqada sanadkan inay duubistiisa bilaabato sidoo kalena mashruucan jilaayaal kale oo fanka Hindiya maqaam iyo miisaan culus leh ayaa lagu soo dari doonaa.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here