Kooxda Tottenham oo dhoor kulan laga baajiyay Sababo la xiriir Corona ayaa Garoonkeeda Tottenham Hotspur Stadium ku soo dhaweeneysa kooxda Dooneysa inay difaacato kaalinta labaad ee Reds.

Tottenham ayaa kulankeeda ugu danbeeyay 3-0 kaga soo badisay Norwich City halka Reds ay soo dubatay kooxda Newcastle united kulan ku dhamaaday 3-1.

Liverpool ayaa kulankaan muhiim gooni ah u leh iyadoo dooneysa inay adkeysato booska 3aad ee horyaalka oo Chelsea looga baqayo.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Wararka Labada Koox

Tottenham Arimaha coronavirus-ka Tottenham wali ma dhamaan, waxaana wali laga yaabaa in ilaa iyo lix ciyaartoy ay ka maqnaadaan axada fayraska dartiis.

Son waa mid ka mid ah kuwa la fahamsan yahay inuu maqanyahay sidaas darteedna aan la heli karin booqashada Liverpool, halka Lucas, Emerson Royal , Oliver Skipp , Bryan Gil iyo Dane Scarlett dhamaantood la qiimeyn doono ka dib markii laga helay cudurka.

Cristian Romero ayaa weli dhaawac ku maqan ilaa sanadka soo aadan, lakiin Sergio Reguilon ayaa diyaar u ah inuu ku soo laabto kooxda, Giovani Lo Celso ayaa sidoo kale la filayaa inuu ku soo bilowdo ka dib dhaawac jilibka ah.

Harry Kane , oo dhaliyay kaliya hal gool lixdii kulan ee ugu danbeysay ee uu la kulmo Liverpool, ayaa hogaamin doona weerarka isagoo raadinaya goolkiisii ​​​​ugu horreeyay ee Premier League in ka badan laba bilood, waana goolkiisii ​​labaad ee xilli ciyaareedka.

Liverpool Salah ayaan wax dhib ah kala kulmin inuu shabaqa soo taabto kulamadii ugu danbeeyuay, iyadoo goolkii uu ka dhaliyay Newcastle durbaba uu ahaa kiisii ​​15-aad ee ololahan, waxaana laga yaabaa in ay taariikhdu xusto xiddiga garabka ka ciyaara ee Masar isbuucaan.

Hadii uu gool ka dhaliyo ama uu ku caawiyo Tottenham Hotspur Stadium markaas Salah waxa uu noqon doonaa ciyaartoygii abid ugu horeeyay ee si toos ah ugu lug yeesha ugu yaraan hal gool 16 kulan oo isku xigta oo Premier League ah.

Liverpool waxay sugaysaa xaqiijinta kama dambaysta ah ee ku saabsan Van Dijk, Fabinho iyo Jones, laakiin dhammaan saddexda ayaa la filayaa inay mar kale seegaan usbuucan Corona Dartii.

Xidigaha kala ah Divock Origi , Nat Phillips , Harvey Elliott iyo Adrian ayaa dhamaantood dhaawac kaga maqan kooxda martida ah.

Klopp ayaa laga yaabaa inuu u arko kulanka Arbacada EFL Cup ee Leicester inay tahay fursad fiican oo lagu isku shaandheyn karo ciyaartoyda, taasoo la micno ah in isbedelada kulanka axada la yareeyo.

Roberto Firmino ayaa dib ugu soo laaban doona weerarka, gaar ahaan isagoo dhaliyay shan gool lixdii kulan ee ugu dambeysay ee uu ka horyimid Spurs, laakiin qaab ciyaareedka gooldhalinta ee Jota ayaa laga yaabaa inuu haatan kursiga keydka ku sii hayo Brazilian-ka.

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Tottenham Hotspur: Lloris; Sanchez, Dier, Davies; Tanganga, Ndombele, Hojbjerg, Reguilon; Lo Celso; Kane, Bergwijn

Liverpool: Alisson; Alexander-Arnold, Matip, Konate, Robertson; Oxlade-Chamberlain, Henderson, Thiago; Saalax, Jota, Mane.

Tottenham Vs Liverpool

Tartanka Premier league

Saacada (19:30 pm Somalia) (17:30 pm Yurub)

Garoonka Tottenham Hotspur Stadium

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan