Sevilla ayaa marti galin doonta Barcelona fiidnimada Talaadada iyagoo saddex guul oo xiriir ah ka gaaray La Liga, waxaana ugu dambeysay guul ay ka gaareen Atletico Madrid.

Dhanka kale, Barcelona ayaa u safreysa garoonka Ramon Sanchez-Pizjuan Stadium iyagoo 3-2 kaga badiyay kooxda dhibaneysa ee Elche.

Wararka Labada Koox

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Sevilla ayaa awoodi doontaa inay u yeerto Fernando iyadoo ciyaaryahanka khadka dhexe uu dhameystay ganaaxii hal kulan uu ku maqnaa shan jaale.

Si kastaba ha ahaatee, Gonzalo Montiel ayaa la filayaa inuu dhaawac ku seego, waxayna taasi ka dhigeysaa Lopetegui inuu dhibaato ka qabo daafaca midig iyadoo Jesus Navas uu isna dhaawac ku maqan yahay.

Barcelona Gerard Pique ayaa ka soo laabtay ganaax hal kulan ah, laakiin dib u soo celinta seddexda ciyaaryahan ma ahan mid la sii saadaaliyay.

Frenkie de Jong ayaa la qiimeyn doonaa ka dib markii uu daal kaga baxay isbuucaan garoonka , iyadoo Philippe Coutinho uu badali doono Ousmane Dembele hadii Xavi uu ka soo horjeedo inuu halis geliyo laba jeer seddex maalmood gudahood.

Nico Gonzalez ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu dhexda ka galo weerarka ka dib goolkiisii ​​muhiimka ahaa ee uu bedel ku soo galay Elche.

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Sevilla: Bounou; Augustinsson, Kounde, Carlos, Rekik; Jordan, Fernando, Rakitic; Ocampos, Mir, Gomez

Barcelona: Ter Stegen; Araujo, Garcia, Lenglet; Busquets, De Jong, Alba, Gavi; Coutinho, Gonzalez, Ezzalzouli.

Sevilla Vs Barcelona

Tartanka La Liga

Saacada (23:30 pm Somalia) (21:30 pm Yurub)

Garoonka Estadio R. Sanchez Pizjuan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan