Real Madrid ayaa isha ku haysa in ay gaadho guusheedii 11-aad oo xiriir ah tartamada oo dhan marka ay sii wadato ololaha horyaalka La Liga oo ay gurigeeda kula ciyaari doonto kooxda Cadiz.

Los Blancos ayaa hadda hoggaanka u haysa horyaalka , iyadoo siddeed dhibcood ka sarreysa Sevilla oo ku jirta kaalinta labaad, halka Cadiz ay ku jirto kaalinta 18aad, iyadoo laba dhibcood ka hoosaysa kooxda Alaves oo ku jirta kaalinta 17-aad ee horyaalka La Liga.

Wararka Labada Koox

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Real Madrid ayaa waayi doonta Rodrygo , Marcelo , Marco Asensio , Andriy Lunin iyo Gareth Bale kuwaas oo laga helay xanuunka Coronavirus, halka Dani Ceballos uu isna maqnaan doono dhibaato canqowga ah.

Luka Modric ayaa sidoo kale laga helay COVID-19 horaantii isbuucaan, laakiin ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa tan iyo markaas kasoo kabsaday, waxaana la fahamsan yahay inuu weli ku lug lahaan karo kooxda kulankaan.

Ancelotti ayaa sidoo kale ka wal-walsan taam ahaanshaha Dani Carvajal iyo Karim Benzema , uma badna in tababaraha reer Talyaani uu wax halis ah gelin doono, sidaas darteed Lucas Vazquez iyo Luka Jovic ayaa ku soo bilaaban kara.

Eden Hazard ayaa sidoo kale ku jira boos xoogan oo uu kaga soo muuqan karo seddexda ugu dambeeya garoonka, iyadoo Rodrygo, Asensio iyo Bale ay dhamaantood is karantiileen ka dib Corona oo laga helay.

Dhanka Cadiz, Salvi Sanchez ayaa ganaax ku seegi doona tartanka, halka Jose Mari , Jon Ander Garrido iyo Isaac Carcelen ay dhaawac ku seegi doonaan kulanka.

Florin Andone ayaa dhaliyay goolka kaliya ee ciyaarta khamiistii ay 1-0 kaga badiyeen Albacete kulan ka tirsan Copa Del Rey laakiin waxa ay u badantahay in uu kursiga kaydka galo kulankaan,

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Real Madrid: Courtois; Vazquez, Militao, Alaba, Mendy; Kroos, Casemiro, Camavinga; Hazard, Jovic, Vinicius

Cadiz: Ledesma; Akapo, Fali, Cala, Espino; Fernandez, Jonsson, Alarcon; Alejo, Lozano, Arzamendia

Real Madrid Vs Cardiz

Tartanka La Liga Spain

Saacada Saacada (23:00 pm Somalia) (21:00 pm Yurub)

Garoonka Bernabeu Stadium

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan