Manchester United ayaa raadin doonta guushii saddexaad oo xidhiidh ah ee ay kasoo hoyso horyaalka Premier League marka ay maanta safarka ku tagto garoonka Carrow Road oo ay marti ugu noqonayso Norwich City.

Red Devils oo hore usoo garaacday Arsenal iyo Crystal Palace labadii ciyaarood ee hore, ayaa waxay fadhidaa kaalinta shanaad ee horyaalka Premier League, halka  Norwich City ay tahay kooxda ugu hoosaysa horyaalka oo ay toban dhibcood oo kaliya ka urursatay 15 ciyaarood oo ay dheeshay.

Wararka Labada Koox

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Norwich waxa mar kale ka maqnaan doona Milot Rashica iyo Christoph Zimmermann, sidoo kalena Brandon Williams ayaanu sharcigu u ogolayn inuu safto ciyaartan.

Dean Smith ayaa rajaynaya inay kooxdiisu dib u hesho Mathias Normann, hase yeeshee difaacii hore ee Liverpool ee Ozan Kabak iyo Dimitris Giannoulis ayaa diyaar ah, halka Todd Cantwell uu noqon doona laacibka weerarka ay wada hoggaamiyaan Teemu Pukki iyo Joshua Sargent.

Manchester United waxa uu dhaawac cusub soo gaadhay Aaron Wan-Bissaka kulankii Young Boys ee Arbacadii, waxaana sidoo kale ka maqan Edinson Cavani, Anthony Martial iyo Paul Pogba, hyalka Raphael Varane ay warkiisa sugi doonaan illaa daqiiqadda ugu dambaysa.

Rangnick oo ciyaartii hore ku dheelay shax cusub oo ahayd 4-2-2-2, ayaa mar kale adeegsan doona Marcus Rashford iyo Cristiano Ronaldo, sidoo kalena Jadon Sancho iyo Bruno Fernandes ayaa boosaskooda xajisan doona, hase yeeshee Luke Shaw ayaa difaaca bidix ka tuuri doona Alex Telles oo ciyaartii Crystal Palace bandhig fiican sameeyey.

Shaxdaa macquulka ah ee labada koox

Norwich City: Krul; Hanley, Gibson, Kabak; Aarons, McLean, Gilmour, Lees Melou, Giannoulis; Sargent, Pukki

Manchester United: De Gea; Dalot, Lindelof, Maguire, Telles; Fred, McTominay; Fernandes, Sancho; Ronaldo, Rashford.

Norwich City Vs Manchester United

Tartanka Premier league

Saacada Saacada (20:30 pm Somalia) (18:30 pm Yurub)

Garoonka Carrow Road Stadium

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan