Manchester United ayaa dib ugu soo laabatay garoomada ka dib markii uu si xun uga dhex dillaacay cudurka ‘coronavirus’ Red Devils ayaana booqasho ugu tageyso Newcastle United kulan ka tirsan Premier League.

Iyadoo Red Devils ay la tacaaleysay kiisas badan oo COVID-19 ah, ayaa dhanka kale kooxda Macalin Eddie Howe waxay raadinayeen inay ka fogaadaan guuldaradii afaraad oo toos ah.

Wararka Labada Koox

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Khabiirka Newcastle Isaac Hayden ayaa qaatay jaalihiisii ​​shanaad ee xili ciyaareed kaan guuldaradii Man City, waxaana uu fadhiisan doonaa kulankaan, sidaasi darteed Sean Longstaff ayaa soo gali kara booskiisa iyadoo Jonjo Shelvey uu wali shaki ku jiro taam ahaanshihiisa.

Federico Fernandez iyo Jamal Lewis ayaa laga saaray kooxda sababo la xiriira  dhaawacyo bowdada ah, halka Paul Dummett uu ku soo laabtay tababarka balse uu weli u jiro shaki.

Howe ayaa helaya Javier Manquillo iyo Emil Krafth oo ka soo laabanaya cudurrada aan la xiriirin COVID, laakiin Jacob Murphy oo si buuxda taam u ah ayaa laga yaabaa inuu booskiisa daafaca midig xajisto.

Dhanka Man United, Rangnick ayaa si maldahan u sheegay inuu heli doono koox taam ah oo uu ka soo xusho usbuucan, taasoo ka hortagaysa soo kabashada Paul Pogba .

Raphael Varane , Aaron Wan-Bissaka , Edinson Cavani iyo Anthony Martial ayaa sidaas darteed dhamaantood ku tartami kara safarka St James’ Park, sidoo kale waxaa la dhihi karaa Victor Lindelof inkastoo uu dareemay dhibaato neefsasho ah kulankii Norwich.

Varane ayaa si toos ah ugu soo laaban kara hadii loo arko inuu taam ku filan yahay.

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Newcastle United: Dubravka; Murphy, Lascelles, Schar, Ritchie; Almiron, Longstaff, Willock, Joelinton; Wilson, Saint-Maximin

Manchester United: De Gea; Dalot, Varane, Maguire, Telles; Fred, McTominay; Sancho, Fernandes; Ronaldo, Rashford.

Newcastle United Vs Manchester United

Tartanka Premier league

Saacada Saacada (23:00 pm Somalia) (21:00 pm Yurub)

Garoonka St James’ Park Stadium

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan