Manchester United ayaa u dagaallami doonta inay kusoo laabato jidka guusha marmka ay caawa garoonka Old Trafford ku qaabbisho Burnley oo ay horyaalka Premier League ku ballansan yihiin.

Red Devils ayaa Isniintii waxay barbarro 1-1 ah la gashay Newcastle United, halka Burnley aanay ciyaarin tan iyo December 12 oo ay barbarro goolal la’aan ah wada galeen West Ham United, sababtuna waxay ahayd Fayraska Korona oo ku habsaday, isla markaana ciyaaartooyo badan dibedda ka dhigay.

Tababare Ralf Rangnick oo kooxdiisa canaan badan loo jeediyey kulankii ugu dambeeyey oo ay ahaayeen kuwo u dagaallamay goolka barbarraha, ayaa waxay u baahan yihiin inay saddex dhibcood helaan si ay ugu soo ruqaansadaan kaalinta lixaad ee horyaalka Premier League.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Wararka Labada Koox

Manchester United waxa dhaawac kaga maqan Paul Pogba oo aan wali soo kaban, sidoo kalena Victor Lindelof oo uu ku dhacay Fayraska Korona ayaa karantiil ku jira, halka Bruno Fernandes uu qaatay kaadhkiisii shanaad oo uu ganaax ku maqan yahay.

Donny van de Beek ayaa rajaynaya inuu beddelo Fernandes, halka Jadon Sancho iyo Edinson Cavani oo isku muujiyey beddelkii ay ku yimaaddeen kulankii Newcastle ay doonayaan in kaydka ay geliyaan Mason Greenwood iyo Marcus Rashford.

Nemanja Matic iyo Luke Shaw yaa iyaguna ka filaya Ralf Rangnick in uu kusoo bilaabo maadaama ay kaydka fadhiyeen kulamadii ugu dambeeyey.

Burnley waxa ka maqan Ashley Barnes iyo Connor Roberts, laakiin waxa dhaawac uga soo kacay Maxwel Cornet oo ay weerarka kusoo wada bilaaban doonaan Chris Wood, halka Johann Berg Gudmundsson iyo Dwight McNeil ay garbaha ka dheeli doonaan.

Sean Dyche waxa uu go’aan ka gaadhi doonaa Jack Cork iyo Josh Brownhill midkooda ka garab ciyari doona Ashley Westwood oo khadka  dhexe, waxaanay u badan tahay in Brownhill uu helo ogolaanshaha tababarihiisa.

Shaxaha macquulka ah ee labada koox

Manchester United: De Gea; Dalot, Varane, Maguire, Telles; Fred, McTominay; Sancho, Van de Beek; Ronaldo, Cavani

Burnley: Pope; Lowton, Mee, Tarkowski, Taylor; Gudmundsson, Westwood, Brownhill, McNeil; Cornet, Wood.

Manchester United Vs Burnley

Tartanka Premier league

Saacada Saacada (23:15 pm Somalia) (21:15 pm Yurub)

Garoonka Old Trafford Stadium

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan