Iyagoo raadinaya guushoodii toddobaad ee Premier League Manchester City waxay Etihad Stadium ku soo dhawaynaysaa Leeds United.
Wiilasha Pep Guardiola ayaa 1-0 ku quusiyay Wolverhampton Wanderers Sabtidii, halka Leeds ay la kulantay guul-daro 3-2 kulankooda Chelsea.
Wararka Labada Koox
Wararka Kale ee Xiisaha Badan
Man City ayaa la filayaa inay wali uu maqnaado Ferran Torres ilaa sanadka cusub, halka Ilkay Gundogan uu “aad ula dhibtoonayay” dhabar xanuun ka dib markii uu ka soo muuqday kulankii Wolves ee isbuucaan.
Kyle Walker ayaa ku soo laabanaya daafaca midig iyadoo Joao Cancelo uu ganaax ku maqan yahay aruurinta jaalaha, halka Phil Foden iyo Nathan Ake ay taam u ahaayeen inay kursiga keydka la dhigo isbuucaan.
Foden iyo Kevin De Bruyne ayaa labaduba u sharaxan inay ku soo laabtaan XI-ga ugu horeeya isbuucaan, sidoo kale waxaa jiri kara booska Riyad Mahrez iyadoo Guardiola uu ka fikirayo baahida loo qabo xidigan.
Dhanka Leeds United, Patrick Bamford , Kalvin Phillips iyo Liam Cooper ayaa dhamaantood la maqan dhaawacyo muruqa ah, halka Rodrigo uu wali la dhibtoonayo Xanuun ciribta ah.
Robin Koch ayaa la tacaalayay xanuun aad u fara badan, waxaana laga yaabaa inuusan weli diyaar u aheyn inuu soo laabto, Pascal Struijk ayaa daqiiqadii ugu dambeysay ka baxay ciyaarta Chelsea, sababtoo ah jilibka oo bararay.
Shaxda Macquulka ee Labada Koox
Manchester City: Ederson; Walker, Dias, Laporte, Zinchenko; De Bruyne, Rodri, Silva; Mahrez, Sterling, Foden
Leeds United: Meslier; Dallas, Ayling, Llorente, Firpo; Shackleton, Forshaw; Raphinha, Harrison, James; Roberts
Manchester City Vs Leeds United
Tartanka Premier league
Saacada Saacada (23:00 pm Somalia) (21:00 pm Yurub)
Garoonka Etihad Stadium
Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda
Source: dalkaan