Liverpool ayaa caawa garoonkeeda Anfield kusoo dhawayn doonta kooxda Newcastle United siay u gaadho sideed guul oo xidhiidh ah tartamada oo dhan.

Reds ayaa 1-0 kaga badisay Aston Villa kulankii ugu dambeeyay, halka wiilasha Eddie Howe ay 4-0 ku xasuuqeen Leicester City.

Wararka Labada Koox

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Liverpool Saddexda ciyaaryahan ee Liverpool Nat Phillips , Curtis Jones iyo Harvey Elliott ayaa weli garoomada ka maqan, laakiin waxaa jirta rajo ah in Divock Origi iyo Roberto Firmino – oo hadda ku soo laabtay tababarka – ay labadooduba ku lug yeelan karaan kulankan.

Xitaa haddii Firmino aan loo arkin inuu diyaar u yahay inuu ka soo laabto dhibaatada muruqa darteed, Diogo Jota ayaa filanaya inuu dib ugu yeero booska koowaad iyadoo Alex Oxlade-Chamberlain uu kursiga keydka kasoo muuqanayo.

Klopp ayaa sameyn kara isbedelo ka hor kulanka Tottenham Hotspur dhamaadka Isbuuca, iyadoo Naby Keita , Kostas Tsimikas iyo Ibrahima Konate ay dhamaantood ku soo bilaaban karaan Khamiista.

Dhanka kale, Newcastle ma heysato wax dhaawac cusub ah oo ay ka walaacsan tahay kadib guuldaradii Leicester, taasoo la micno ah in Paul Dummett uu yahay ciyaaryahanka kaliya ee Howe kaga maqan dhibaatada kubka.

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Liverpool: Alisson; Alexander-Arnold, Konate, Van Dijk, Tsimikas; Keita, Fabinho, Henderson; Saalax, Jota, Mane

Newcastle United: Dubravka; Manquillo, Schar, Clark, Lascelles, Lewis; Saint-Maximin, Hayden, Shelvey, Joelinton; Wilson.

Liverpool Vs Newcastle United

Tartanka Premier league

Saacada Saacada (23:00 pm Somalia) (21:00 pm Yurub)

Garoonka Anfield Stadium

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan