Liverpool ayaa soo dhoweyn doonta kabtankeedii hore ee Steven Gerrard oo markiisii ugu horreysay ku laabanaya Anfield, isaga oo hoggaaminaya Aston Villa oo uu jidka guusha kusoo dabbaalay intii uu tababaraha u ahaa.

Jurgen Klopp oo ay kooxdiisu guul 2-1 ah kasoo hoysay AC Milan usbuuc-dhamaadkii ayaa raadinaysa guul sabab ugu noqon karta inay hoggaanka horyaalka la wareegto haddii ay dhibco lumiso Manchester City, isla markaana ay iskaga ilaaliso Chelsea oo dhibic kaliya ka dambaysa.

Wararka Labada Koox

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Liverpool waxa taam u ah oo usoo laabtay oo taam ah ciyaartoy ee Naby Keita, Roberto Firmino iyo Joe Gomez, hase yeeshee waxa maqan Nat Phillips, Curtis Jones iyo Harvey Elliott oo dhamaantood dhaawacyo qaba.

Klopp ayaa kusoo bilaabi doona Virgil van Dijk, Fabinho, Jordan Henderson iiyo Thiago Alcantara oo dhamaantood uu nasiyey ciyaartii AC Milan, sidoo kalena Divock Origi ayay suurtogal tahay inuu kusoo bilowdo maadaama laga dayrinayo taam ahaanshaha Diogo Jota oo waxyeello kasoo gaadhay ciyaartii Wolves, isl amarkaana ay khatar ku tahay Roberto Firmino in lagu soo bilaabo.

Aston Villa waxa ka maqan saddexda ciyaartoy ee Leon Bailey, Bertrand Traore iyo Trezeguet, waxaase dib ugu soo laabanaya Danny Ings.

Shaxda macquulka ah ee labada koox

Liverpool: Alisson; Alexander-Arnold, Matip, Van Dijk, Robertson; Henderson, Fabinho, Thiago; Salah, Jota, Mane

Aston Villa: Martinez; Cash, Konsa, Mings, Young; McGinn, Nakamba, Luiz; Ramsey, Buendia; Watkins.

Liverpool Vs Aston Villa

Tartanka Premier league

Saacada Saacada (18:00 pm Somalia) (16:00 pm Yurub)

Garoonka Anfield Stadium

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan