Iyadoo raadineysa inay ka mid noqoto afarta sare ee Serie A ka hor fasaxa bartamaha xilli ciyaareedka, Juventus ayaa martigelineysa kooxda yar ee Cagliari kulankooda ugu dambeeya ee 2021.

Juve ay badisay afar ka mid ah shantii kulan ee ugu danbeysay ee tartamada oo dhan, kooxda martida ah ayaa weli raadineysa guushii ugu horeysay tan iyo bishii October.

Juventus ayaa hada ku jirta kaalinta 7 aad ee horyaalka halka Cagliari ay fadhiso booska labaad halka looga haro horyaalka heerka 1aad.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Wararka Labada Koox

Juventus Ka dib markii uu dhaleeceyn kala kulmay maamulkiisa ka dib guushii ay ka gaareen Bologna isbuucaan, Arthur melo- oo loo bedelay daal dartiis qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa la filayaa inuu u dhaco kursiga Juventus. Booskiisa ayaa imaan doona midkood Manuel Locatelli ama Rodrigo Bentancur , kuwaas oo labadoodaba bedel ka soo muuqday kulankii ugu dambeeyay.

Federico Chiesa , Danilo iyo Aaron Ramsey ayaa weli dhaawac kaga maqan kooxda martida loo yahay, halka daafaca bidix Luca Pellegrini uu shaki ku jiroinuu taam uu u yahay kulanka ugu dambeeya ee Juve ka dib markii uu dhaawac kubka ah ka soo gaaray sabtidii.

Alex Sandro ayaa ku soo bilaaban doona booska daafaca dambeedka dhexe ee Max Allegri , halka xiddiga kale ee reer Brazil Kaio Jorge uu diyaar u yahay inuu ciyaaro hadii Paulo Dybala uu taam u noqon waayo inuu weerarka ka ciyaaro.

Cagliari Ka dib markii qeybtii labaad ee ciyaarta laga saaray kulankii Udinese, khadka dhexe ee Cagliari Razvan Marin ayaa ganaax kaga maqan kulankan, sidaas darteed wuxuu seegayaa safarka Turin, iyadoo saaxiibkii Kevin Strootman uu weli dhaawacyahay.

Sebastian Walukiewicz ( oo dhaawac ka ah sinta) iyo Marko Rog ( oo ka dhaawacan jilibka) ayaa sidoo kale laga saaray kulankan

Shaxa Macquulka ee labada Koox

Juventus: Szczesny; Cuadrado, Bonucci, De Ligt, Sandro; Rabiot, Locatelli, McKennie; Bernardeschi, Jorge; Morata

Cagliari: Cragno; Caceres, Ceppitelli, Carboni; Zappa, Oliva, Deiola, Nandez, Dalbert; Pedro, Balde.

Juventus Vs Cagliari

Tartanka Serie A Italy

Saacada (22:45 pm Somalia) (20:45 pm Yurub)

Garoonka Allianz Stadium

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan